|
Waraysi Aannu La Yeelannay Muftiga
Djibouti Ahna Horkacaha Joogtada ah Ee Xujayda Dalkaasi Sh.Jimcaale
Ibraahim Xuseen .Jimcaale: Djibouti Sannadkan
1260 Xaaji Baa Ka Yimid Dhammaantoodna Way Nabad Qabaan

Makka-(Lug)Duruuf agoonnimo iyo xaalad adag ayaa ku habsatay isaga oo
labo jir ah, haseyeeshee kama uu niyad jabin geeddi socodka nolosha ,
balse waxa uu muujiyay dadaal iyo dhabar adayg, xalaqaatka masaajidda
ayuu wax ka bartay kadib markii ay u suurto geli wayday inuu dugsi
habaysan gelo duruufihii qadhaadhaa ee soo maray awgood, dabadeedna waxa
uu lug ku tegay Muqdisho isaga oo ka anbabaxay Djibouti islamarkaana aan
wadan sahay dhulkana aan aqoon u lahayn , si uu caddayn iyo shahaado ugu
helo cilmigii uu ka helay masaajidda.dhinac kale, ilaahay ayaa ku
mannaystay
fasaaxad iyo cod aad u macaan, marka aad
wacdigiisa dhagaysatid waxaad mooddaa wariye tababar oo aan marnaba ku
hakanayn akhriska , waana qof tusaale ku ah dhaqan wanaaga sida ay
dadbadani sheegaan , muddo 14 sannadood ahna waxa uu ka shaqaynayay
hoggaaminta xujayda reer Djibouti, taariikhdiisa markaad dhuuxdid waxaad
xusuusan kartaa saxaabadii iyo culimadii salafka maxaayeelay waxa ay
xanbaarsantahay mucjisooyin badan, sannadkan badhtamihiisiina
madaxwaynaha Djibouti Mud.Ismaaciil Cumar Geelle
ayaa guddoonsiiyay billad – qarameedda dalkaasi u sarraysa … haddaba waa
kuma ninkaasi?
waa muftiga Jamhuuriyadda Djibouti ahna horkacaha joogtada ah ee xujayda
dalkaasi Sheekh Jimcaale Ibraahim Xuseen oo aannu waraysigan hoos ku
qoran la yeelannay isaga oo ku sugan magaalada barakaysan ee Maka al-Mukarrama
:
Lughaya: ugu horrayn sheekh Jimcaale wax ma nooga
taaban kartaa taariikh nololeedkaaga gaarahan taariikhdaadii dhinaca
waxbarashada ?
Duruuf adag iyo dadaal waxbarasho
Sh.Jimcaale: ugu horrayn aniga oo labo jir ah ayay
hooyaday dhimatay aabahayna xaas kale ayuu yeeshay, waxaana wakhtigaasi
igu habsatay xaalad agoonnimo ah iyo nolol raf ah, taasoo iga hor
istaagtay inaan waxbarasho nidaami ah gelo, waxbarashada diiniga ahina
wakhtigaasi Djibouti way ku yarayd amaba may jirin dugsiyo dhexe ama
sare oo diinta iyo carabiga bixiya, markaa waxaan wax ka baran jiray
xalaqaatka masaajidda oo culimada waawayn ee reer Somaliya, Djibouti iyo
kuwa reer Ithiopia ayaan la kulmi jiray, cilmigana waan u wareegi jiray,
ugu danbaytiina maadaama ay dunidu shahaadooyin iyo wathaa`iq
(documents) ku kala socoto waxaan go`aansaday inaan helo shahaado
caddaynaysa
aqoontayda, waxayna igu kalliftay inaan lug kaga
baxay Djibouti aniga oo u sii jeeda Muqdisho sannadkii 1987kii oo aan
tegay dugsigii Sh.Cali Suufi ee Xamar waxaanan ka codsaday inay
aqoontayda qiimeeyaan oo ay imtixaanka dugsiga sare iga qaadaan,
haseyeeshee dugsigaasi waxa uu ii sheegay inuuna lahayn nidaamkaasi
qiimaynta ah balse ardaynimo uun marka hore loo gelo, kadib dugsi la
odhan jiray Sakhaa`u- Diin oo isla Muqdisho ku yaal baa ii ogolaaday
inaan imtixaanka dugsiga sare ka qayb gelo sidiibaanan shahaadada
dugisiga sare ee culuunta carabiga iyo diinta ku helay, iyada oo aan lug
ku tegay Muqdisho kagana soo noqday aniga oo ah wiil da`yar oo dhul aanu
geranayn marayay islamarkaana aan sahay
hagaagsan wadan, walow ay jirtay in ciddii
gawaadhi wadata ee ilaah iiga nixiyo ay mararka qaar I sii qaadaysay,
dabadeedna waxaan wax ka bartay jaamacad ku taal magaalada Ticis ee
dalka Yemen oo aan ka qaatay shahaado jaamacadeedda qaanuunka ( the B.A
of Law) , muddo 10 sannadood ahna Qaadi baan ahay, dadaalkii iyo ka
shaqayntii diintana waan wadaa oo warfaafinta Djibouti baan ka jeediyaa
arrimaha diinta oo aan dadka kala hadlaa, sidoo kale muddo 14 sannadood
ah baan ka shaqaynayay arrimahan xajka.
Lughaya: Sh.Jimcaalow waxaa la sheegaa inaad tahay
sheekh ay dadwaynaha reer Djibouti gudo iyo dibadba aad u qadariyaan oo
la jecelyahay.. arrintaas maxaad u aanayn kartaa?
NIYAD WANAAG
Sh.Jimcaale : inkasta oo ay wanaagsanayd su`aashan in
dadwayanaha reer Djbouti la waydiiyo, haddana waxaan u aanayn karaa
fadliga ilaahay (subxaanahuu wa tacaalaa), qofba qasadkiisa iyo
niyaddiisa ayuu ilaahay ku arsaaqaa, markaa ikhlaas iyo dar-ilaahay in
camal kasta loo qabto ayaa daruuri ah, akhlaaqiyaadka iyo anshaxa
dacwadda qofku marka uu dhuuxo waxa uu garan karaa habka dadka loo
kasbado oo ay anbiyada iyo sharciguba ammaaneen, markaa haddii ay
arrintaasi jirto fadliga ilaahay iyo hababkii ay anbiyada iyo dadka
wanaagsani diinta u baahin jireen oo aan ka faa`iidaystay ayaan u aanayn
karaa.
Lughaya:. Aynu ka gudubnee, sannadkan imisa qof ayaa ka
soo xajiyay Djibouti?
1260 xaaji
Sh.Jimcaale: waxa ka soo xajiyay 1260 ruux,
dhammaantoodna si nabad gelyo ah bay ku dhamaysteen howlihii xajka,
marka laga reebo saddex xaaji oo dhaawacyo soo gaadheen. Sida Darasa
Axmad Muxamad oo shil baabuur ku dhaawacmay kana jabay labo feedhood oo
bidixda ah ka hor intayna hawlaha xajku billabmin,annaguna waan
dhexdhexaadinnay oo afgarashadii iyo isku soo dhawayntii isaga iyo
dirawalkii jiidhay oo ahaa Syrian deggen dalkan Sucuudiga baannu ka
shaqaynnay, waxayna kala qaateen 3000 Riyaal, waxa kale oo dhaawacmay
xaaji kale oo la yidhaa Lailo oo isna gaadhi jiidhay kana jabay misigta
iyo dhudhunka gacanta, deetana dhakhtarka boqor Cabdi Casiis baa
jeexitaan ku sameeyay, markaa dacwaddiisu way socotaa xaaladdiisuna way
wanaagsantahay waxaana jiidhay nin Sucuudi ah.
Guddiga qabanqaabada xajka Dj
Lughaya: dhinac kale, waxaad nooga warrantaa guddiga
qabanqaabada xajka ee Djibouti(bicthat al Xaj). Maxay xujayda u qabtaan?
Imasa qof ayay ka koobanyihiin? Side loo soo xulaa?
Sh.Jimcaale: waxaa soo xusha wasaaradda awqaafta iyo
arrimaha diinta ee Djibouti ee uu u xilsaaranyahay wasiir Mooge DiriR
Samatar, halkanna waxaa uga wakiil ah Djibouti qunsalka u fadhiya Jidda
Maxamad Aadam Wacays oo howsha kala wada, iyada oo ay jiraan
kalkaaliyeyaal la shaqeeya, waxayna ka koobanyihiin wafdigaasi 25 ruux
oo siyaabo badan ugu adeega xujayda, sida hoggaaminta iyo hagidda, ka
jawaabidda wixii su`aalo diiniya ah, waxaana loo shardiyaa xubnaha
guddigaasi inay aqoon diineed leeyihiin iyo khibarad ku aaddan Maka iyo
Madina, iyo meelaha ay howlaha xajku ka dhacaan, iyo waliba howl karnimo,
waxayna leeyihiin qaybo kala duwan, sida guddiga caafimaadka,
fatwooyinka iyo hoggaaminta xujayda. Haddaba waxaan jeclaysan lahaa in
ay culimo badan oo waawayni ka mid noqoto guddigan qabanqaabada xajka
islamarkaana aan la badbaddelin ee intii hore ee hanatay khibradda loo
daayo, wasaaradduna kollay arrintaasi way ku fikiraysaa .
DHALIIL
Lughaya: waxaa jirta inay dadbadani saluugaan adeegga
guddiga qabanqaabada xajka ee Djibouti … arrintaasi maxaad kaga
jawaabaysaa?
Sh.Jimcaale: horta ilaahay unbay arrintiisu
dhamaystirantahay, markaa way jiri karaan dhaliilo iyo cabashooyin
maadaama ay bicthadu ka koobantahay xubno bashar ah, 25 qof inay ka
adkaadaan 1000 qof baan jeclahay, uu qof kasta oo guddigaasi ka mid
ahiba howshii loo igmaday si ammaano iyo alla ka cabsi ku jiraan uga soo
baxo, walaalahayga ila shaqaynaya ee bicthadana waxaan ka codsan lahaa
inay mujtamacooda dar ilaahay ugu shaqeeyaan oo ay si dhamaystiran u
qabtaan howlaha loo diray.
Lughaya: wax wada shaqayn ah oo idinka dhexeeya idinka
iyo wafdiyada kale ee hoggaamiya xujayda Somaliyeed ma jiraan?
Sh.Jimcaale: runahaan ma jirto wada shaqayn rasmi ah oo
isku dubbo ridan oo naga dhaxaysa annaga iyo wafdiyada hogaamiya xujayda
Somaliyeed , balse ciddii Soomaali ah ee aan aragno iyada oo lunsan
waannu geynnaa meelaha ay degganyihiin, haddii ay masalooyin diineed na
waydiiyaan waannu uga jawaabnaa, markaa dhinacyo badan oo aannu iska
caawinnaa way jiraan, laakiinse wada shaqayn rasmi ahi majirto oo labo
wafdi oo labo dawladood ka kala socda dhex marta, aniguna xil wayn baan
iska saaraa mujtamaca Soomaliyeed meeshuu doonaba ha ka yimaaddee.
Billad qarameedda Djibouti
Lughaya: sheekh Jimcaale Ibraahimoow, sida laga warqabo
saddex sannadood ka hor hay`adda dawladaha carbeed u qaabilsan arrimaha
xajka ayaa ku guddoonsiisay shahaado sharaf aad ku mutaysatay sida la
sheegay nidaaminta xujayda iyo khibraddaada ballaadhan ee ku aaddan
howlahaasi.. xukuumadda Djibouti iyadu wali wax abaal marin ah ma kugu
siisay dadaalladaadaasi?
Sh.Jimcaale: alxamdulilaah, xukuumadda Djibouti hiille
iyo hooba way nala gabar joogtaa oo lama soo koobi karo gargaarka ay u
fidisay dacwadda, aniga gaarahaan 27kii bishii luulyo ee sannadkan hadda
sii dhammaanaya waxaa uu madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle I
Guddoonsiiyay billad-qarameedda u sarraysa dalka Djibouti oo la igu
siiyay dadaalkayga dhinaca diinta ee gudaha dalka iyo dibaddiisaba, aad
baanan ugu mahadcelinyaa madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle , shahaado
sharafta dawladaha carabta ah aan ka helayna waa sidaad u sheegtay oo
way jirtay, iyagana aad baan ugu mahadcelinayaa.
talo
Lughaya: ugu danbayn, fadiilata sheekh, maxaad wax talo
ah u soo jeedin lahayd ummadda Soomaaliyeed gaarahaan akhristeyaasha
lughaya news?
Sh.Jimcaale: waxaan u soo jeedin lahaa inay diintooda ku adkaadaan, oo
ay camalkooda iyo noloshoodaba ku dabbaqaan, kadib waxaan ku dardaari
lahaa inay xajkan aynu maanta ka hadlayno yimaaddaan, oo ay ku hammiyaan
inay maalin uun yimaaddaan carrigan barakaysan oo ay halkan isaga
maydhaan wixii danbi ah.
Waraysigan waxaa qaaday Zakariya Hussein oo ku sugan
Makka-al-Mukarama
Email:
murtishiil@hotmail.com |