News update01/01/008

2.Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la dhigay Isbitaalka Cromwell ee magaalada London
Isniin, January 07, 2008 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii labaad muddo bil gudaheed ah waxaa la dhigay Isbitaalka Cromwell ee magaalada London, kadib markii uu xanuun soo food-saaray.

Safiirka Dowladda Soomaaliya uga wakiilka ah Midowga Yurub Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari ayaa wuxuu u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in madaxweynaha uu isagoo xaalkiisa wanaagsan yahay uu gaaray Magaalada London, wuxuuna caddeeyay in madaxweynaha uu dib ugu laabtay Isbitaalkii uu dhawaan ka baxay sabab la xiriirta in uu soo qaato jawaabaha baaritaano lagu sameeyay, sidoo kalena haddii uu u baahdo baaritaano kale uu marayo.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo 73 sano jir ah ayaa bil ka hor waxaa la dhigay Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi, halkaasi oo looga daweeyay Burukiito heysay, iyadoo kadibna uu Magaalada London u aaday baaris caadi ah oo uu sanadkiiba mar isku sameyn jiray.

10 sano ka hor ayay ahayd markii Madaxweynaha Isbitaal ku yaala Magaalada London loogu geliyay Beer, iyadoo wixii mudadaas ka dambeeyayna uu sanad kasta hubiyo sida uu u shaqeynayo Beerka loo geliyay.

Madaxweynaha ayaa Jimcihii aynu ka soo gudubnay waxaa uu diyaarad gaar ah oo ay u soo dirtay Dowladda Itoobiya waxaa uu ka raacay magaalada Baydhabo, iyadoo markii ay duushay diyaaraddii qaadayna ay soo baxeen warar sheegayay in madaxweynaha arrimo caafimaad aawadood loogu qaaday magaalada Addis Ababa, walow ay warkaasi beeniyeen Afhayeenkiisa Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) iyo Jabriil Maxamed Shiikh oo ka tirsan Qunsuliyadda Soomaalida ee Itoobiya.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa todobaad ka hor ka soo laabtay socdaal caafimaad oo uu ku tegay dalka Ingiriiska waxaana uu sheegay in uu caafimaadkiisa wanaagsan yahay, isla markaana uu soo qaatay seddex todobaad oo daweyn ah.

Dhanka kalena, warar aan ka helnay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ay diyaarad ka wada qaaday Magaalada Addis Ababa, isla markaana ay geysay Magaalada London, iyadoo aan la ogeyn in labada Mas’uul ku wada hadleen gudaha Diyaaradda ay  wada saarnaayeen.

2Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo mudo afar sanadood ah mudadii xilka ugu koridhiyay Guddiga Cusbitaalka Hargeysa

Isniin, January 07, 2008 Ku-simaha Madaxweynaha , ahna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , ayaa shalay soo saaray Xeer Madaxweyne oo Lambarkiisu yahay 307, kuna saabsan Cusboonaysiinta xilka iyo Muddo Kordhinta Guddida Maamusha Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Siciid Ducaale Mooge, waxana warsaxaafadeedku intaa ku daray oo yidhi. “Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo arkay Qodobka 90-aad ee dastuurka iyo Qodobka 75-aad , isla markaana tix gelinaya Maamulka iyo Maaraynta toosan ee guddidu ka Muujisay Cisbitaalka guud eeHargeysa iyo iyagoo kaalin wax ku ool ah ka gaystay horumarinta iyo adeegyada Cusbitaalka guud mudadii ay maamulkiisa gacanta ku hayeen waxa uu go’aansaday in Muddo Afar sanadood ah oo kale loogu daro  Mudada ay xilka Cisbitaalka Maamulkiisa gacanta ku hayn doonaan, taasi oo ka bilaabmi doonta Bishan January sanadkan 2008.

Guddidaasi loo kordhiyay  sii haynta xilka Maamulka Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo mar walba ku dhaqmi doona Siyaasada iyo qorshaha Wasaarada Caafimaadku u dajisay Maamulka  Cisbitaalka , waxay yihiin magacyada hoos ku qoran:

1.Mudane Maxamed Xuseen Caabi  Gudoomiye
2.Muane Dr. Aadan Yuusuf Abokor  G/xigeen
3. Marwo, Saakin Jirde Xuseen   Xubin
4. Mudane, Xasan  Cali Muuse   Xubin
5. Marwo, Aamina Yuusuf Aar   Xubin
6. Mudane , Dr Yaasiin Carab Cabdi  Xubin
7. Mudane , Barre Warsame Shire  Xubin

 

 

 

 

 

MADAXWEYNE DAAHIR RIYAALE: “C/llaahi Yuusuf Waa Nin isagoo kursigiisii ku fadhiya hadana jecel in uu cid kasta u hanjabo, waxaana anigu qabaa hanjabaad waxba ku qaadi-mayo….”

Arbaco, January 02, 2008 Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu shalay sheegay madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, kaasi oo ahaa in uu maamulka Somaliland ciidamadiisa kala baxo Gobolka Sool iyo in aan la aqbaleynin in ay Somaliland gooni isu taagto.

Madaxweyne Daahir Riyaale oo isagoo ku sii jeeday safar uu ugu amba baxay dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu sheegay in Somaliland ay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, isla markaana aanan looga baahneyn sida uu u yiri C/llaahi Yuusuf in uu aqoonsado Somaliland.

 “C/llaahi Yuusuf waa nin isagoo kursigiisii ku fadhiya hadana jecel in uu cid kasta u hanjabo, waxaana anigu qabaa hanjabaad waxba ku qaadi-mayo, Somaliland-na diyaar ayay u tahay in ay dalkeeda difaacdo, cid ay ka baryeyso gooni isu taaggeedana ma jirto”ayuu yiri Madaxweyne Riyaale oo sheegay in Ninkii Taariikhda been ka sheega ay isaga ay ka hor-imaan doonto oo marka dambena ay wejiga kaga dhici doonto.

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin waxaa uu sheegay in intii uu maamulka Puntland ka talinayay Magaalada Laascaanood uusan waxba ka sameynin, wuxuuna caddeeyay in haatan ay qorsheynayaan in ay magaaladaas oo ay ku nool yihiin dad 100 kun gaaraya ay ka hirgelin doonaan mashaariic kala duwan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in waxyaabaha ay qaban doonaan ay ka mid yihiin in ay dadka  helaan biyo macaan oo nadiif ah.

Mar wax laga weydiiyay sida uu u arkayo in qadiyadda Gobolka Sool lagu dayo wada-hadal, isla markaana loo maro dhinaca Garaadada waxaa uu yiri “Horta Garaadada waa kuwii 1991-kii saxiixay in Somaliland Gooni-isu-

taageeda uu muqadas yahay, markaa waxaan u maleynayaa dee nin maalinba war ku hadlaya horta isaga ayay nasiib darro u tahay, laakin Somaliland waa dal Umadda Somaliland ku nool oo dhan ay wada leedahay, dal la kala leeyahay ma ahan, go’aankeedana 1991-kii ayaa la qaatay”.

Hadalkan uu sii daayay madaxweynaha Somaliland ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu shalay sheegay in aan laga yeeli doonin sida uu u yiri maamulka uu hoggaamiyo Daahir Riyaale in uu Soomaaliya kala goo-gooyo, isla markaana uu xoog ku qabsado dad gobolladooda jooga.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo uu horay uga talin jiray maamulka Puntland ayaa haatan waxaa ka taliya maamulka Somaliland oo weliba dadka magaaladaas ku dhaqan ku soo rogay canshuur 2% ah.
 

 

Ardayda wax ka barata jaamacadaha kala duwan ee dalka suudaan ee ka soo jeeda gobolka awdal  waxay hanbalyo iyo bogaadin u dirayaan Jaamacadda Eelo American ee dhawaan xaflada furitaankeedu ka dhacday  Huteelka rays .

Waxakale oo ardaydu  hanbalyo kal iyo laab ah u dirayaan  aasaasayaasha jaamacada iyo  guud ahaanba bulshooyinka  jecel waxbarshada .

Waxaan halkan idinka  soo gudbinayaa liiska qaar ka mid ah Magacda ardayda ,jaamcadaha  iyo kulliyadaha ay bartaanba.

 

 

   Magaca                        Jaamacadda       kulliyadda

 

1.     Mustafe Farah mohmoud         Africa           computer(Is)

2.     A/Rahman Dahir Ibrahim        Juba   Engineering(GBAE).

3.     Hassan Abdi Omer                  Africa       Political Science

4.     Muse Abdi  Omer                 Africa          Arts ( linguists )

5.     Mubarak Mohmed Dahir         Africa            medicine

6.     A/rahman Mohmed Dahir       Africa     Science (Geology).

7.   Haaji  Omer  Hassan Kaire      Africa            Computer(IS).

8.     Mukhtar Ali Mohmed              Africa           Economy

9.     Warsame Mohmed Ataye       Africa     Science( Geology).

10. Yonis A/rahman Yonis        Africa       Maths &Computer.

11. A/lahi Dharar Gireh           Africa        Maths &Computer.

12. A/rahman  A/lahi Abdi        secondary      General science

13. Mowlid Elmi  Osman           Africa             Computer  (IS)

14. A/Nasir Muse Sh.Ali             Khartoum     Accounting

15. Mohmoud A/Rahman              Africa             Education

16. Ahmed Osman Ali                 Neilien            Laboratory

17. A/Kadir MohmedMohmoud      Africa    Science(Geology)

18. A/kadir A/lahi ma’alin        Africa science (Industrialchem.)

19. Liban Nur Jijii                        Neilien            Laboratory

20. Mohmoud Dahir Hassan       Jazira     Engineering(GBTE).

21. Mohmoud Ahmed Suldan      Gadarif           Medicine

22. Nuradin A/rahman Ibrahim    Gadarif          Medicine

23. A/fatahMohmed  Osman      Shendi          Physics &maths

24. Ibrahim Ali   (Awbare)          Kurdufan        Medicine

25. Ali Hassan   Egeh        Kurdufan         Maths & Computer

26. Samatar Abib Roble           Juba                 Engineering

27. A/Samad Jibril Adam            Nelien         computer(IS).

28. A/Rashid Yousuf Farah          Nelien           Arts(English)

29. Mustafe    Hassan A/lahi          Sudan             Radiology

30. A/salan Elmi Ahmed               Sudan             Agriculture

31. Mohmed Ali  Nur                  Sudan     Animal production

32. A/Aziz Mohmed A/lahi          Sudan          vetinary

33. Abdi Okiye Rayale           Kereri          Military Engineering

34. Muktar Muse Ibrahim      Kereri          Military Engineering.

35. A/wahab Omer A/lahi      Nelien   Master (Agro Economic)

36. Sh. Mohmed bile   Mohmoud   Nelien         Master(Arabic)

37. Faisal  Mohmed Dahir      Africa          Natural Disasters

38. Saed   Yousuf  Ali             Africa          Political Sceince 

39. A/kani Mumin  Ahmed             Africa         Science

40. Dayib A/lahi Ibrahim                Africa        Economy

41. Mukhtar Hussain fahiye             Africa        Management

42. Khadar Ahmed Awaleh        Africa         Education(Arabic)

43. Jibril Mohmoud Jama’              Africa           Arts

44. Mukhtar  Ahmed  Mohmed      Africa        Computer  (IS).

45. Mustafa Ahmed muse                Africa             Computer

46. Mohmed Dahir Absiye          Africa      Science (Geology).

47. Suleiman Barkhad Muse            Africa           Economy

48. Mustafe Ahmed Muse                Africa            Computer

49. Jama   Ayman  Dagal          Mashriq College    Engineering

50. Khaire Mohmed Osman           Africa            Management

51. A/fatah  Ali Elmi                      Africa            Management

52. Husen hassan Husen                  Africa             Business

53. A/rahman Dahir Hassan            Juba              Management

54. Tajadin    Ahmed  Omer           Africa             Medicine

55. Yazin Saed  Abib               Zaim Al Azhari    medicine

56. Mohmed Abdi Adam         Africa             Arts(English)

57. Mukhtar Ali Omer                Shendi                  Laboratory

58. A/Hakim Liban                       Africa                  Arts

59. Khadar Hassan Dahir        Africa                  Computer(IS)

60. Dayib Dahir                          Kasala                  Medicine

61. mohmed   Hashi  Farah        Africa                  Education

62. Mohmed                               ZaimAl Azhari     Engineering

63. Ihsan Mohamed Osman       Africa                  Arts(Media)

64. Ilhan A/lahi Mohamud        Africa                   Economy

65. Fadumo Burale Ahfad Arts(Psychology )                                 

66. Najwa Osman Ali                Ahfad                  Acounting

67. Kafiya Osman Ali                Ahfad                 Acounting

68. Amal   Osman Ali                Africa                 Engineering

69. Zamzam Mohamed Abdi     Africa                  Economy

70. Naima Mohamed Barkhad  Africa                  Computer

71. Aisha Abubakar                   Neilein                Laboratory

72. Ubah Ayman Dagal               Khartoum           Nursing

73. Saado Xamud                       Africa                 Arts

74. Ilyas Mohamed Ibrahim       Africa                  Arts

75. Aamina Mohamed A/lahi   Imam Mahdi        laboratory    

 
 
 
C/raxmaan Daahir Ibraahim
     Khartoum      

 

 

News update01/01/008

ardayda reer Awdal ee wax  ka barata Sudan oo hanbalyo u diraysa Jaamacadda Eelo ee Borama.  

Ardayda wax ka barata jaamacadaha kala duwan ee dalka suudaan ee ka soo jeeda gobolka awdal  waxay hanbalyo iyo bogaadin u dirayaan Jaamacadda Eelo American ee dhawaan xaflada furitaankeedu ka dhacday  Huteelka rays .

Waxakale oo ardaydu  hanbalyo kal iyo laab ah u dirayaan  aasaasayaasha jaamacada iyo  guud ahaanba bulshooyinka  jecel waxbarshada .

Waxaan halkan idinka  soo gudbinayaa liiska qaar ka mid ah Magacda ardayda ,jaamcadaha  iyo kulliyadaha ay bartaanba.

 

 

   Magaca                        Jaamacadda       kulliyadda

 

1.     Mustafe Farah mohmoud         Africa           computer(Is)

2.     A/Rahman Dahir Ibrahim        Juba   Engineering(GBAE).

3.     Hassan Abdi Omer                  Africa       Political Science

4.     Muse Abdi  Omer                 Africa          Arts ( linguists )

5.     Mubarak Mohmed Dahir         Africa            medicine

6.     A/rahman Mohmed Dahir       Africa     Science (Geology).

7.   Haaji  Omer  Hassan Kaire      Africa            Computer(IS).

8.     Mukhtar Ali Mohmed              Africa           Economy

9.     Warsame Mohmed Ataye       Africa     Science( Geology).

10. Yonis A/rahman Yonis        Africa       Maths &Computer.

11. A/lahi Dharar Gireh           Africa        Maths &Computer.

12. A/rahman  A/lahi Abdi        secondary      General science

13. Mowlid Elmi  Osman           Africa             Computer  (IS)

14. A/Nasir Muse Sh.Ali             Khartoum     Accounting

15. Mohmoud A/Rahman              Africa             Education

16. Ahmed Osman Ali                 Neilien            Laboratory

17. A/Kadir MohmedMohmoud      Africa    Science(Geology)

18. A/kadir A/lahi ma’alin        Africa science (Industrialchem.)

19. Liban Nur Jijii                        Neilien            Laboratory

20. Mohmoud Dahir Hassan       Jazira     Engineering(GBTE).

21. Mohmoud Ahmed Suldan      Gadarif           Medicine

22. Nuradin A/rahman Ibrahim    Gadarif          Medicine

23. A/fatahMohmed  Osman      Shendi          Physics &maths

24. Ibrahim Ali   (Awbare)          Kurdufan        Medicine

25. Ali Hassan   Egeh        Kurdufan         Maths & Computer

26. Samatar Abib Roble           Juba                 Engineering

27. A/Samad Jibril Adam            Nelien         computer(IS).

28. A/Rashid Yousuf Farah          Nelien           Arts(English)

29. Mustafe    Hassan A/lahi          Sudan             Radiology

30. A/salan Elmi Ahmed               Sudan             Agriculture

31. Mohmed Ali  Nur                  Sudan     Animal production

32. A/Aziz Mohmed A/lahi          Sudan          vetinary

33. Abdi Okiye Rayale           Kereri          Military Engineering

34. Muktar Muse Ibrahim      Kereri          Military Engineering.

35. A/wahab Omer A/lahi      Nelien   Master (Agro Economic)

36. Sh. Mohmed bile   Mohmoud   Nelien         Master(Arabic)

37. Faisal  Mohmed Dahir      Africa          Natural Disasters

38. Saed   Yousuf  Ali             Africa          Political Sceince 

39. A/kani Mumin  Ahmed             Africa         Science

40. Dayib A/lahi Ibrahim                Africa        Economy

41. Mukhtar Hussain fahiye             Africa        Management

42. Khadar Ahmed Awaleh        Africa         Education(Arabic)

43. Jibril Mohmoud Jama’              Africa           Arts

44. Mukhtar  Ahmed  Mohmed      Africa        Computer  (IS).

45. Mustafa Ahmed muse                Africa             Computer

46. Mohmed Dahir Absiye          Africa      Science (Geology).

47. Suleiman Barkhad Muse            Africa           Economy

48. Mustafe Ahmed Muse                Africa            Computer

49. Jama   Ayman  Dagal          Mashriq College    Engineering

50. Khaire Mohmed Osman           Africa            Management

51. A/fatah  Ali Elmi                      Africa            Management

52. Husen hassan Husen                  Africa             Business

53. A/rahman Dahir Hassan            Juba              Management

54. Tajadin    Ahmed  Omer           Africa             Medicine

55. Yazin Saed  Abib               Zaim Al Azhari    medicine

56. Mohmed Abdi Adam         Africa             Arts(English)

57. Mukhtar Ali Omer                Shendi                  Laboratory

58. A/Hakim Liban                       Africa                  Arts

59. Khadar Hassan Dahir        Africa                  Computer(IS)

60. Dayib Dahir                          Kasala                  Medicine

61. mohmed   Hashi  Farah        Africa                  Education

62. Mohmed                               ZaimAl Azhari     Engineering

63. Ihsan Mohamed Osman       Africa                  Arts(Media)

64. Ilhan A/lahi Mohamud        Africa                   Economy

65. Fadumo Burale Ahfad Arts(Psychology )                                 

66. Najwa Osman Ali                Ahfad                  Acounting

67. Kafiya Osman Ali                Ahfad                 Acounting

68. Amal   Osman Ali                Africa                 Engineering

69. Zamzam Mohamed Abdi     Africa                  Economy

70. Naima Mohamed Barkhad  Africa                  Computer

71. Aisha Abubakar                   Neilein                Laboratory

72. Ubah Ayman Dagal               Khartoum           Nursing

73. Saado Xamud                       Africa                 Arts

74. Ilyas Mohamed Ibrahim       Africa                  Arts

75. Aamina Mohamed A/lahi   Imam Mahdi        laboratory    

 
 
 
C/raxmaan Daahir Ibraahim
     Khartoum      
 

 

Hay’adda MSF-Spain oo bilowday in ay Shaqaalaheeda kala baxdo Soomaaliya

Talaado, January 01, 2008Hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF-Spain ayaa waxay bilowday in ay shaqaalaheeda kala baxdo dalka Soomaaliya, iyadoo taasina sabab uga dhigtay shaqaale u shaqeynayay oo looga af-duubtay magaalada Boosaaso.

Ilaa 7 Shaqaale ah ayay shalay ka saartay Hay’adda MSF-Spain magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ka heysay howlo samafal ah oo si gaar ah ay ugu gargaareysay Hooyada iyo Dhallaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle ayaa sheegay in uu ka war-hayo go’aanka ay Hay’adda qaadatay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in mas’uuliyiinta Hay’adda ee joogtay magaalada Jowhar ay ku wargeliyeen in ay shaqaalahooda kala baxayaan dhamaan dalka Soomaaliya, iyadoo sababtuna ay tahay in weli laga heysto shaqaale laga af-duubtay.

Hay’adda MSF-Spain oo ka mid ah Hay’adaha aan dalka Soomaaliya ka bixin xiliyadii ugu adkaa ee dalka Soomaaliya soo maray, gaar ahaan xiliyadii colaadaha ayaa haatan waxay madaxdeedu sheegayaan in aysan sii shaqeyn karin iyadoo shaqaale ka mid ah oo howlo samafal ah hayay la heysto.

Go’aanka ay gaartay Hay’adda MSF-Spain ee ah in ay ka baxdo Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddo 9 maalmood ah lagu heysto dhul buuraley ah oo ku yaala Bariga Boosaaso labo samafale oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain, kuwaasi oo kala ah Dhaqtarad u dhalatay Dalka Spain oo lagu magacaabo Marcediz iyo Kalkaaliso u dhalatay dalka Argentina oo lagu magacaabo Pillar.

Kooxaha af-duubka ku heysta labadan samafale ayaa waxay soo qadimeen lacag madax-furasho ah oo ay doonayaan, hayeeshee maamulka Puntland ayaa dalabkaas ka soo horjeestay, wuxuuna madaxweynaha maamulkaas Jen. Cadde Muuse uu sheegay in aan wax lacag ah la siin doonin kooxaha af-duubka geystay.