home news sport xadiis gabay contact us

prof:samater

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ma jirin Qof ka mid ah Qureysh oo aaminsanaa ama rumeysanaa inuu khilaafi karay ama diidi karay amarka iyo talada uu soo jeedyo Abuu Sufyaan oo ka mid ahaa madaxda iyo ugaasyada Quraysh. Hase ahaatee, waxaa si dhiiranaan iyo kalsooni weyn ku jirta gaashaanka ugu dhufatay amarkii Sufyaan gabadhiisii uu dhalay ee lagu magacaabayay Ramla Bintu Abii Sufyaan, kadib markay iyada iyo ninkeedii Cubeydillaahi Binu Jaxshi ay ku soo biireen diinta xaqa ah ee islaamka, ayna ku kufriyeen Illaahyadii ay caabudayeen aabayaashoodii iyo guud ahaan qureysh. Abuu Sufyaan wuxuu in badan isku dayay inuu gabadhiisii Ramla iyo ninkeedaba uu ka soo leexiyo diinta islaamka ee qaateen, hase ahaatee wuu awoodi waayay inuu ku guuleysto arrintaas. Sababtuna waxay ahayd, iimaanka iyo rumeynta Allaah (sw) oo si qoto dheer ugu sugnaaday laabta iyo qalbiga Ramla Bintu Abii Sufyaan.

Murugo iyo tiiraanyo daran ayaa Abuu Sufyaan hareereeyay, kadib islaamidda ay gabadhiisa islaamtay, iyo weliba markii uu ku guuldaraystay inuu ku qanciyo inay dib uga laabato diinta islaamka.

Ramla Bintu Abii Sufyaan oo kunyadeeda loogu yeero Ummu Xabiiba (Xabiiba hooyadeed) waxay ka mid ahayd dadkii ku soo islaamay magaallada Makka, waxayna islaamkeeda kahor ay guursatay Cubeydillaahi Binu Jaxsh oo ay u dhashay Xabiiba. Ramla waxaa la dhas

enter your name

enter your password